Waxay faah faahin ka soo baxeysaa diyaaraddii gelinkii dambe ee Isniintii lagu soo riday Degmada Bardaale ee Gobolka Baay.
Diyaaradan oo ay leedahay Shirkadda African Airways ayaa waxaa soo riday Ciidanka Militariga Itoobiya, ee qaybta ka ah Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.
Diyaaradan oo agab ka qaaday Magaalada Baydhabo, kuna sii jeeday Degmada Bardaale ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in si aan ku talagal ahayn, ay u soo rideen Ciidanka Itoobiya.
Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya in diyaaradda ay ku burburtay meel u dhow Garoonka Diyaaradaha ee Degmada Bardaale.
Wararka ayaa intaa ku daraya in diyaaradda ay la socdeen lix qof, oo saddex ka mida ay yihiin shaqaalihii diyaaradda.
Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada Koonfur Galbeed, Xasan Maxamed Xuseen (Xasan Eelaay) ayaa xaqiijiyay dhammaanba dadkii la socday diyaaradaasi in ay geeriyoodeen.