Ciidamada Yuhuuda Oo Xabsiga U Taxaabay Imaamka Masjidul Aqsaa

Saraakiisha sirdoonka Israel ayaa Jimcihii gurigiisa oo ku yaalla Bariga Qudus ka xiray imaamka weyn ee Masjidka Al-Aqsa, Sheikh Ekrima Sabri.

“Cutub ka mid ah sirdoonka Israel ayaa weeraray guriga Sheikh Ekrima, waxayna ku wargeliyeen inuu xiran yahay,” waxaa sidaas wakaaladda wararka ee Anadolu Agency u sheegay qof ka mid ah qoyska Imaamka, waxuuna intaas ku daray in imaamka loo kaxeeyey saldhigga booliska al-Qashla ee Galbeedka Qudus, halkaasi oo su’aalo lagu weydiinayey.

Illaa iyo hadda ma cadda sababta ay ciidamada Yahuudda u xireen Sheikh Ekrima.

Bishii Janaayo, mas’uuliyiinta Israel ayaa go’aansaday in Sheikh Ekrima ka mamnuucaan inuu galo Masjidka Al-Aqsa, muddo afar bilood ah.

Israel ayaa qabsatay Bariga Qudus, oo Masjidka Al-Aqsa uu ku yaalla, intii lagu guda jiray dagaalkii Bariga Dhexe ee 1967-kii.

Wixii markaas ka dambeeyey, Masjidka ayaa mar walba ahaa mid Israel ay sida ay doonto ay ka yeesho, ayada oo xirta xilliga ay doonto, kana mamnuucda ciddii ay doonto.

Exit mobile version