Cudurka corona: Kenya oo billaabeysa “tijaabada dawooyiin”

Cilmi-baarayaasha caafimaad ee Kenya ayaa sugayay in loo ansixiyo tijaabada seddax dawo oo loo sameynayo cudurka corona, sida lagu qoray wargeyska Daily Nation.

Baarayaasha waxaa la filayaa in ay tijaabiyaan dawada Remdesivir, oo lagu daweeyo hadda Malaariya iyo sidoo kale dawada Lopinavir/ritonavir, sida ay uu qoray wargeyska.

Remdesivir waa dawo loogu talagalay caabuqyada faafa, waxaana markii hore loo sameeyay inlagu daweeyo xanuunkii Ebola.

Dhakhtarka hoggaaminaya baaritaankan, Loice Achieng Ombajo, in kastoo aysan sheegin cidda maalgelineysa cilmi baaristan.

Waxay sheegtay in ay jawaab ansixin ah ka sugayaan guddiga Sunta iyo arimaha dawada iyo Seyniska ee kenya.

“Waxaan tijaabadaas ku sameyn doonnaa meelo kala duwan oo dalka ka mid ah, si aan u qiimeyno in dawa uun ay shaqeyneyso,” Dr Ombajo ayaa laga so xigtay dhakhtarka.

Kenya waxaa lagu arkay 490 kiis oo ah fayrska Covid-19, waxaana ku dhimatay 24 qof.

Exit mobile version