Dagaalkii Trump & Twitter oo cirka isku shareeray & Qoraal Trump qoray oo laga tuuray

Dagaalkii u dhaxeeyay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo shirkadda Twitter-ka oo ka mida kuwa ugu waaweyn ee baraha bulshadu ku xiriirto ayaa sii kululaaday.

Arrintan ayaa timid markii qoraal kale oo Madaxweyne Trump uu soo dhigay ay shirkadda ku tilmaamay mid ka hor imaanaya xeerka iyo sharciyada shirkadda Twitter-ka isla markaana uu bogaadinayo kicinta rabshadaha.

Madaxweyne Trump oo ka hadlay qalalaasaha ka dhashay dilkii Askari caddaan ah u geysta nin madow oo lagu magacaabi jiray George Floyd, waxaana qoraalkiisa ka mid ahaa in haddii uu boob bilowdo ay xabbaduna bilaaban doonto, taasoo keentay in qoraalkaasi uu Twitter-ka ku calaamadeeyo mid ka horjeeda xeerkiisa oo la qariyey sababo la xiriira dan guud oo ku jirta, balse kaliya la arki karo marka la dalbado.

Waa marki labaad ee Shirkadda Twitter ay calaamad saarto qoraallada Madaxweyne Trump oo shirkaddan ka dhigtay warbaahin uu kula dagaalamo dadka ka horjeedo kuna faafiyo fekerkiisa, laakiin Trump ayaa si degdeg ah u saxiixay sharci oo meesha ka saaray in shirkadaha baraha bulshada ay awood u yeelan karaan tifaftirka qoraallada lagu faafiyo.

President Donald Trump's tweet violated rules against "glorifying violence," according to Twitter.

Tallaabada ay qaaday shirkadda Twitter ayaa timid ku dhowaad 2 saac iyo bar kadib markii uu Madaxweyne Trump uu qoraalkaasi soo dhigay bartiisa, waxanaa markii ugu horeysay Trump lagu fuliyey sharci ay Twitter sameysatay June sanadkii hore, iyadoo dadka sharcigaasi jebiya laga tirtiro farriimahooda, laakiin qoraalka Trump loo dhaafay muhiimada ay leedahay.