WARARKA




Dawlada Maraykanka Oo Somalia ugu Baaqday Inay joojiso Xad-Gudubyada Ka Dhanka ah Saxaafada.

Muqdisho(GNN):-Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa dowladda federaalka iyo shacabka ugu baaqday inay Ogolaadaan oo ay dhiiri-geliyaan in si daah-furnaan leh loo weriyo saameynta cudurka COVID-19, si loo fududeeyo dadaallada muhiimka ah ee lagu ilaalinayo laguna joogteynayo caafimaadka iyo fayoqabaka shacabka Soomaaliyeed.

โ€œWaxaan sidoo kale ugu baaqeynaa Hogaamiyayaasha Qaranka inay si xooggan ugu ololeeyaan, u difaacaan, u taageeraan, islamarkaana u ilaaliyaan Xuquuqda suxufiyiinta iyo shacabka ay u leeyihiin inay helaan akhbaaraadka ku saabsan safmarka COVID-19, iyo horumarada kale ee muhiimka ah ee amniga iyo siyaasadda Soomaaliya,โ€ ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Safaaradda.

โ€œWaxaan sidoo kale ka fileynaa hogaamiyayaasha Soomaalida ee heer qaran iyo heer gobol inay taageeraan werin sax ah oo aan lagu sameyn faro-gelin ama hanjabaad rabsho ama xabis.โ€

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in xoriyadda saxaafadda ay u qiimeyso inay muhiim u tahay dowladnimada dimqoraadiga ah.

โ€œBulshooyinka dimqoraadiga ma ahan kuwa dhameystiran, balse waa lala xisaabtami karaa, islamarkaana aragti is-weydaasriga ayaa aas-aas u ah dowladnimo lala xisaabtami karo,โ€ ayaa lagu yiri bayaanka.

Safaaradda Mareykanka waxay sheegtay in saxaafadda ay kaalin muhiim ah ka cayaarto war-gelinta iyo waxbarista muwaadiniinta, islamarkaana ay ku amaaneyso suxufiyiinta kaalinta muhiimka ah ee ay cayaaraan.

โ€œMareykanka waxa uu ku garab taagan yahay muwaadiniinta iyo suxufiyiinta Soomaaliya difaacista xuquuqda xoriyadda saxaafadda iyo tan hadalka,โ€ ayaa lagu yiri bayaanka.

โ€œWaa waajibka dowladaha, oo ay ku jiraan Mareykanka iyo Soomaaliya, iyo dhammaan muwaadniinta caalamka inay u hadlaan taageeridda warbaahinta, ilaalintooda iyo kaalinta muhiimka ah ee ay ka cayaaraan bulshooyinka furfuran.โ€