Deeq Iyo Wafti Ka Socda Qatar Oo Ku Wajahan Magaalada Hargaysa

Dowladda Qatar ayaa dhowaan la filayaa in magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, ay usoo dirto wefdi culus oo qeyb ka noqonaya mucaawino dhowaan ay dowladdaasi kasoo dejinayso madaarka Hargeysa.

Waftigan ayaa ku beegan Hargaysa toddobaadkan, iyaga oo la socda diyaarad mucaaawino caafimaad ah, oo wax weyn ka caawin doonto xukuumada Somaliland dhanka la dagaalanka cudurka Coronavirus/Covid-19.

Wefdigaasi ayaa laga yaabaa in ay u kaalmadan ku lifaaqaan in ay u kala dab qaadaan maamulada Koofur iyo waqooyi ee Soomaliya, iyadda oo la aaminsan yahay in deeqdan ay ka danbayso in la gaadhsiiyo Hargaysa dawlada fadaraalku.