Dhaxalkii Mujaahidiinta Dhalanteed ha Moodin.Qore:Maxamuud-Yaasin Cabdilaahi Cali

Beryahan dambe waxa baraha bulshada hadal heyntiisu ku soo badatey wax dad gaar ah oo danno gaar ah lihi ugu yeedheen baaq shacab.

Baaqaas Shacab ee dadkani dannaha leh ku sheegaan Toosin Xukuumada Somaliland, oo aragtidooda ka leexatey dhabihii toosnaa, wuxuu geyb ka yahey duulaanka balaadhan ee Xukuumad ku sheega taagta daran ee Ciidamada shisheeye Muqdishu ku waardiyaan ku soo qaadey Qarannimada Somaliland. Dhalinyarada la sheegey in ay soo saareen baaqa shacab, waa hubaal in ay adeegsanayaan niman aaminsan aragtidii ma dhaleyska noqotey ee Somaliweyn, waana koox, markii ay ku soo hungoobeen tegistii Xamar, raadinaaya meel ay saaxada Siyaasada Dalka ka soo galaan iyagoo ogsoon in bushada Somaliland mar hore ka quusatey.

Haddaba dhalintan la maran habaabinaayo ee taariikhda Somaliland la moodo in ay hilmaan sanyihiin waa in loo sheega wixii dalkan u hirgaley 30 kii sanno ee u jirey….. Laga bilaabo 18-May 1991, la soo noqoshadii Madaxbanaanidii Somaliland ilaa iyo sanadkii 2001, madaxda Dalka waxa soo xuli jiray ergooyin qabiiladu soo dirteen oo shir- Wayne ay ku kulmaan ku dooran jiray Madaxweyne, ku Xugeenkiisa iyo labada Golle ee Sharci Dejinta. Sannadkii 2001, ansixintiin Distoorka kadib, wuxuu shacabka Somaliland u hayaamey yagleelida nidaam dawladeed oo ku saleysan dimoqraadiyad, tiiyo hogaanka Dalkana loo igmadey in ay hayaan xisbiyo siyaasadeed oo ku soo baxa codka shacabka. Bishii December 2002, ayaa markii u horaysay tan iyo 1969, shacabka Somaliland fursad u heleen in ay u dareeraan codbixin ay ku kala xulanayeen lix urur siyasaadeed oo sida qorshuhu ahaa sadexda ugu codka badani noqon doonaan xisbiyo Qaran oo hogaanka dalka u tartama. Maanta Dalku wuxuu leeyahey 3 Xisbi Qaran oo qofkii han siyaasadeed leh iska soo sharixi karo. Doorashooyinkii isdaba jooga ahaa waxey si cad u muujiyeen qaangaadhnimada siyaasadeed ee Somaliland ku talaabsatey, oo ah wax dawladda Muqdisho ee Soomaaliya riyo uun ku ah.

Xoghaya Waddani ee ku doodayaa in maanta Hargeysa 80 kii dhaantey waa wax Damiirka Shacabka sharafta leh ee Somaliland aanu qaadan Karin. Waxaanan ku leeyahey, – haddii aad 80 kii ku faraxsaneyd dilkii, boobkii, dhaci iyo kufsigii hablaheena ee rajiimkii kelidi taliska ahaa aad u darsatey, shacabka Somaliland wey ka reysteen, heeryadiisiina 30 sanno ka hor bey iska tureen, – haddii aad Hay’adaha Dawlada Somaliland ee 29 jirsadey dhamaantood diidan tahey,- haddi aad keydkii iyo asadkii Somaliland ku soo tabacdey muddada rubuc qarniga ay jirtey diidan tahey, qashinka dooxa Hargeysa aad maanta ka cabaneysid, 80 kii waxa wadhnaa meydka dadkeena, 80 kii dhalinteena waxa sharci darro loogu xidhi jirey maryo nadiif ah baad xidhan tihiin.

Somaliland wey ka reysatey heeryadii saarneyd, maanta cidi kama horjoogto haddi aad u tegeysid kuwii dhibtaa gestey waad ogtahey halka ay ku urursanhiyiin.
Wa Bilaahi Towfiig
Maxamuud-Yaasin Cabdilaahi Cali
Brussels,
Belgium
Mederka@hotmail.com