Gabiley(GNN)Dawlada Hoose Ee Degmada Gabiley Ayaa Markii Ugu Horeysay Taariikhda Waxay Sameysay Wado Afar Haad Ah Oo Dhexmaraysa Badhtamaha Magaalada Gabiley,Wadadaasi Oo Isku Xidhayasa Gobolada Bariga Iyo Galbeedka Somaliland.Jidkan Ayaa Loo Dhisay Hanaan Casriya Oo Ay Ka Muuqato Qurux Iyo Bilicsan.Wadadan Oo Ah Muraayada Magaalada Gabiley Ayaa Noqotay Mid Ka Mida Wadooyinka Ugu Qiimaha Iyo Qaayaha Badan Guud Ahaanba Somaliland ,Waxana Aad Ay u Soo jiidatay Dadka Safarka Ku Mara Waddadan Iyo Dalxiisayaasha Usoo Hayaama Gobolada Galbeedka Somaliland Oo u Arka In Ay Tahay Wado Dhisimaheeda Loo Hagar Baxay Oo Lagu Bixiyay Dhaqaale Ku Haboon.
Maayerka Degmada Gabiley Maxamed Amiin Cumer Cabdi Ayaa Ahmiyad Weyn Siiyay Hirgalida Wadadan Afarta Haad Ah Ee Dhexmaraysa Wadnaha Magaalada, Jidkan Ayaa Ah Ku Dhawaad 2.5Kiilo Mitir. Maayerka Ayaa Isago Ka Fikiraya Sumcada Iyo Sharafka Ay Magaalada Usoo Jiidaso Wadadan Waxa Uu Ku Bixiyay Dhaqaale Aad U Badan Oo Suurta Galiyay In La Majeerto Laamidan Casriga Ah Ee Afarta Haad Ka Kooban.Waxayna Baabuurtu U Maraan Si Raaxoleh
Jidkan Ayaa Noqonaya Taariikh Ma Hadho Ah Oo Ku Suntan Taariikhda Waxqabadka Ee Ugu Muhiimsan Dhaxalka Reebka Lagu Xasuusan Doono Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Gabiley Oo La Rumeysan Yahay in Wakhtigoodu Uu Gabaabsi Yahay Oo Ay Meesha Baneeyaan.
Qaabka Loo Dhisay Waddadan Ayaa Noqotay Hab Casriya Oo Shabahasa Laamiyada Dalalka Hormaray Ee Caalamka,Waxana Lagu Sameeyay Biro Laydh Ah Amaba Sistem light Iyadoo Hareerahedana Lagu Beeray Geedo Timir Ah Xaga Badhtanka Wadada La Dhigay Marmar Qurux Badan Oo Ay Indhuhu Jeclaysanayaan.Dadaaladan Ayaa Ku Soo Beegmaya Xili Magalada Gabiley Ay Si Xawliya U Kordhayso Dhismaha Guryaha Iyadoo Magaaladu Afarta Jihaba U Sii Fidaysa Arinatasi Oo Ay Sabab U Tahay Wadooyinka Casriga Ah Ee Laga Taabagaliyay Magaalada.
Dhaqaalaha Ku baxay Waddadan Ayaa Waxa Bixisay Dawlada Hoose Ee Degmada Gabiley Oo Bulshada Waxqabad Ugu Badalaysa Cashuurta Ay Bixiyaan,Waxayna Laamidani Ay Fududaynaysaa Isku Socodka Gaadiidka Iskaga Kala Gooshaya Magaalooyinka Somaliland.
Qalinkii Jacfar Cawil Hereri
Gabiley.net