Hogaamiyaha Qoomiyada Oromada Jawar Maxamed Oo Ka Digay Xasilooni Daro Kasoo Socota Dalka Itoobiya.

Addisabab(GNN):-Hogaamiyaha Ruuxiga ah Ee Qoomiyada Oromada Jawar Mohammed, oo isagu ah siyaasiyiinta ugu cad cad ee dalka itoobiya una dhaq dhaqaaqa arrimaha qowmiyadda Oromada ee dalka Itoobiya, ayaa ka digay in Geeska Afrika uu wajahayo xasilooni darro kasoo socota Itoobiya kadib go’aanka ay ku dhowaaqeen Tigray-ga dalkaas oo salka ku haya dib udhaca ku yimid doorashooyinka dalka itoobiya.

Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray-ga ee TPLF, oo ah xisbiga ugu weyn gobolka Tigray, ayaa sheegay in doorashooyinka gobolka Tigray ay ku dhici doonaan waqtigooda, ayaga oo ku gacan seeray go’aankii dowladda ay ku baajisay doorashooyin la qorsheeyey bisha August sababo la xidhiidha cudurka Coronavirus ee dunida sida ba,an usaameeyey.

Siyaasi Jawar Maxamed oo ka hadlay arimaha kasoo baxaya xisbiga Tigray ayaa yidhi “Go’aanka Tigray wuxuu xasilooni darro ka abuuri karaa gobolka geeska Africa oo dhan, ma aha Itoobiya kaligeed. Mas’iiliyiinta Tigray iyo kuwa federaalkuba waa kuwa aan si saxan u fakarin,” ayuu yidhi Jawar Mohammed oo la hadlay wakaaladda wararka Reuters.

Si kastaba, Jawar maxamed oo dhawaan ay iswayn iskaga horyimaadeen dawlada uu hogaamiyo Raysal Wasaare Abey Axmed ,ayaa  hadda , u muuqda inuu fikir ahaan raacsan yahay Tigray-ga.

Isagoo Hadalkiisa Sii Watana  Jawar Maxamed Wuxu Yidhi  “Gobolka Tigray wuu go’aansan karaa inuu qabto doorashooyin, wuxuuna xaqiiqdii leeyahay awood uu ku qabto doorasho,”

Sidoo kale, William Davison oo ah fallanqeeyaha ugu sarreeyaa Itoobiya ee Hay’adda Xasaradaha Caalamiga ee ICG, ayaa sheegay in go’aanka ay TPLF ku qabanayaan doorashooyin ka hor dalka intiisa kale uu noqon karo mid halis ah, sababo la xiriira sharci cad oo arirntan ku saabsan oo aan jirin.

“Waxay halis gelineysaa inay sii dheereyso xasaradihii siyaasadeed ee Itoobiya, sababtoo ah sharciyada ay gobollada ku qaban karaan doorashooyin, ayaga oo aan fasax ka haysan dowladda federaalka waa kuwa aan kala caddeyn oo lagu muransan yahay,” ayuu yiri.

TPLF ayaa xisbiga Abiy Ahmed ee PP ku eedeeyey inaysan dooneyn inay doorasho qabtaan, islamarkaana ay u adeegsanayaan cudurka Coronavirus “cudurdaar ay ku aas-aasaan kali-talis hal nin ah.

Xisbiga PP ayaa beeniyey eedeymahaas. “TPLF ma haystaan wax dastruur ku saleysan ama awood sharci ah, oo ay doorasho ku qabtaan. Waxay isku dayayaan inay xasilooni darro ka abuuraan dalka,” waxaa sidaas yiri afhayeenka PP Awelu Abdi.