WARARKA




Itoobiya Oo Diiwaan Galisay Kiisaskii Ugu Badnaa Ee Coronavirus Ah Iyo Tirada La Diiwaan Galiyay.

Jigjiga(GNN):-Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay kiisaskii ugu badnaa ee Cudurka Coronavirus oo maalin gudaheed laga helo Gudaha dalkaas.

War kasoo baxay Wasaaradda waxaa lagu sheegay in dad looga shakiyey Cudurka ee baaritaan lagu sameeyey Cudurka COVID-19 laga helay 17 ruux.

Dadka Cudurkaan laga diiwaangeliyay Maanta ayaa waxaa la sheegay inay ku nool yihiin deegaannada Canfarta iyo Soomaalida.

Kiisaska Cusub ee Coronavirus ee Maanta laga diiwaangeliyay Itoobiya ayaa tirada Guud ee dalkaasi laga helay waxaa ay boqoneysaa 162 Ruux.