Lammaane helay wiil laga afduubtay 32 sano ka hor

Lammaane u dhashay dalka Shiinaha ayaa la midoobay wiil laga afduubtay muddo 32 sano ka hor.

Mao Yin, ayaa laga afduubtay huteel hortiisa asaga oo laba sano jir ah, xilli uu aabihiis biyo ugu maqnaa.

Waxa ay waalidiintiisa ka baadigoobeen gudaha dalka oo dhan, waxayna meel walba ku dhajiyeen sawirada wiilkooda oo gaaraya 100,000.

Qoyskan ayaa maalintii Isniinta ahayd midoobay xilli ay boolisku qabteen shir jaraa’id.

Wiilkan oo hadda 34 sano jir ah ayaa sheegay inuu qorshaynayo inuu wakhti badan la qaato waalidkiisa.

Maxaa ku dhacay Mao Yin?

Bishii October sanadkii 1988-kii, Mao Zhenjing, wuxuu wiilkiisa ka soo waday xarun ku taala magaalada Xian ee gobolka Shaanxi..

Mao Yin wuxuu aabihiis waydiistay biya uu cabo, marka waxa ay istaageen albaabka huteelka si uu biyo ugu iibiyo, markaas ayaana cunugiisa ugu dambaysay.

Sidee lagu helay Mao Yin?

Bishii April, warbaahinta qaranka Shiinaha ayaa xog ka heshay nin ku nool gobolka Sichuan oo 1,000KM u jira Xian oo sheegay inuu korsaday Mao Yin muddo sanado ah kaddib markii la afduubtay.

Booliska ayaa baaritan dhacaanka hiddadasidaha DNA ka qaaday Mao Yin, si ay u ogaadan inuu wax xiriira ah kala dhexeeya Mao Zhenjing iyo Li Jingzhi.

Baaritaanka ayaa lagu ogaaday in Mao Yin oo la baxay Gu Ningning uu yahay wiilkii ay lamaanahan baadigoobayeen muddada 32 sanada ah.

Exit mobile version