Lixbaaxyo Koonfur Afrika ka baxsaday

Waxaa xarunta xanaanooyinka xayawaayanada ee dalka Koonfur Afrika ka baxsaday libaaxyo dhowr ah.

Sarkaal booliska dalkaas ka tirsan ayaa sheegay in libaaxyadan lagu arkay gobolka Limpopo maalintii Talaadada ahayd, iyada oo dadka deegaanka lagu wargeliyay inay ka foojignaadan.

Tirada libaaxyada baxsatay oo 7 ah ayaa lagu hayay xarunta xayawawaanada duur joogta ah ee Ingogo Safaris.

Galabnimadii Talaadada ayaa dhamaan libaaxyadan la soo qabtay..

Dadka u o’loleeya arrimaha xayawaanada duur joogta ah ayaa sheegay inay ka walaacsanyihiin caafimadka libaaxyada.

Ma ahan markii ugu horreysay ay libaaxyo ka baxsadeen xanaanooyinka xayawaanada ee dalka Koonfur Afrika.