Mareykanka oo Shiinaha ku eedeeyay in uu isku dayayo in uu xado cilmi baarista cudurka Korona

Hay’adaha ammaanka ee dalka Mareykanka ayaa Shiinaha ku eedeeyey inuu taageerayo koox burcad ah oo isku dayayso inay xaddo cilmi baarista Mareykanka ee la xiriirta daweynta iyo ka hortagga faayraska Corona.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli labada dal uu ay ka dhex taagan tahay xiisad ku saabsan halka uu kusoo faracmay feyraska.

Bayaanka kasoo baxay Mareykanka ayaa lagu sheegay in FBI-da ay baareyso isku day ay sameeyeen koox burcadda internetka ah oo lala xiriiriyay Shiinaha kuwaas oo isku dayayo inay xadaan xogta cimli baarista ee Mareykanka ee raadinta tallaalka, dawada iyo baaritaanada cudurka.

Cilmi baarayaashu iyo saraakiisha caafimaadka ayaa loogu baaqay inay feejignaadaan balse Mareykanka ma uusan sheegin ha’yadaha la bartilmaameedsaday. Mareykanka waxay horey ugu eedeyn jiray Shiinaha in uu ka dambeeyo weeraro dhanka Internetka ah, eedeymahaas oo ay beenisay xukuumadda Beijing.

Toddobaadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii Mareykanka iyo Britain ay si wadajir ah uga hadleen halis ah ka timaadda burcadda internetka oo ku wajahan cilmi baarista caafimaad balse ma aysan sheegin cidda ay ku tuhmayaan arrintaas.