Maxay tahay sababta Jilaagan caanka ah loogu tilmaamay halyeey qaran?

Jilaa ka tirsan aflaanta Bollywood-ka oo lagu magacaabo Sonu Sood, ayaa dalka Hindiya looga aqoonsaday halyeey qaran, kaddib markii uu qayb weyn ka qaatay caawinta dadka soogalootiga ah.

Sood ayaa caawinayay kummaanan shaqaalaha soogalootiga ah, kuwaas oo ay saameysay xayiraadaha dalka saaran xilli lala tacaalayo cudurka covid-19.

“Hurda ayaan iska waayay markii aan arkay muuqaalada boqolaal qof oo lugaynaya si ay tuulooyinkooda ku gaaran,” Ayuu yiri jilaaga.

“Waxaan maalin walba gaarsiinnaa cunto dad gaaraya 45,000, kuwaas banaanada ku go’doonsan,” Sidaas ayuu ku daray.

Tan iyo 11-kii bisha May, wuxuu bilaabay inuu basas ku daad gurooyo dadka soogalootiga ah si ay ugu laabtan guryahoodii.