Mid ka mid ah halyeeyadii Kubadda Koleyga Soomaaliya oo u dhintay COVID-19

Allaha u naxariistee waxaa magaalada London ugu geeriyoodey cudurka Covid19 Xasan Maxamed Faarax (Joon), oo ahaa ciyaaryahan kubadda koleyga Soomaaliya iyo macalin maadooyinka xisaaba iyo sayniska, sida ay BBC u xaqiijiyeen ehelkiisa iyo saaxiibadiis.

Macalin Joon ayaa muddo ku dhow 8 asbuuc wuxuu cudurka ugu jiray Isbitaalka Northwick Park ee waqooyiga London, isagoo xaaladiisa ay la tacaalayeen dhakhaatiirka iyo kalkaalisooyinka, hase yeeshee xalay abaara 1-dii habeenimo waqtiga London ayuu marxuumka geeriyooday.

Marxuum Macalin Joon wuxuu ku dhashay dalka Yemen sanadkii 1956-dii, waxaana uu waxbarashadiisa ku qaatay Jaamacadda Lafoole, inkastoo uu bahda waxbarashada ahaa haddana wuxuu ka mid ahaa ciyaartoydii kubadda koleyga ee naadigii Madbacada Qaranka, markii dambana wuxuu noqday tababaraha xulka qaranka ee kubada koleyga Soomaaliya.Muddooyinkii ugu dambeeyey wuxuu macalin iyo madaxa qaybta maadooyinka xisaabaata iyo sayniska uu ka ahaa Iskuul ku yaal magaalada London.

Macalin Joon wuxuu ifka uga tagay 3 caruur ah iyo xaas, sida uu BBC u xaqiijiyey Shiine Guhaad oo ay Marxuumka horey u soo wada ciyaareen.

Exit mobile version