Sylvia Romano: Gabadhii muslimtay ‘Waxaan kasoo baxay xaalad aad u xun’.

Hargeisa(GNN):-Sylvia Romano oo ah gabadh Talyaaniga u dhalatay ee afduubka loogu haystay Soomaaliya ayaa ka hadashay xaaladdeeda kaddib markii dhawaan muslimnimadeeda loogu hanjabay, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee dowladda Talyaaniga ee ANSA oo soo xiganey

Waxay sheegtay in dhibaatadii ugu xumeyd ay soo martay isla markaana aysan ka shaleynin go’aankeeda.

“Xaaladdii xumeyd waan ka soo baxay, haddana waan raaxeysan karaa. …Markasta waxaan raacaa meesha uu qalbigeyga ii wado, taasina weligay kama weecan doono,”

“Waxaan idiin ka codsaday in aanay caroon markii aad i difaaceseen” ayay tiri Sylvia.

“Ma sugi karin inta aan ka degayo diyaaradda, sababtoo ah waxaan aad igu xiisay dadka muhiimka u ah noolasheyda. Waxaan doonayay inaan marxabeeyo, oo aan u sheego kalgaceylka aan u hayo iyadoo aan la eegeyn dharka Islaamka ee aan xirannahay”

Romano oo waxay aheyd samafale ka howgeli jirtay xarun lagu daryeelo carruurta agoonta ah oo ku taalla koonfur bari ee Kenya.

Koox hubeysan ayaa bishii November ee sannadkii 2018-kii ka afduubatay halkaas, waxaana loo kaxeystay dhinaca Soomaaliya, waxaana la rumeysan yahay in kooxdii afduubka geysatay ay ka tirsanaayeen Al Shabaab.