Assalaamu Caleykum, Marka hore waxaan hambalyeynayaa go’aanka ay Xukuumaddu ku dhiiratay ee ku aaddan joojinta qaadka. isagoo marka horeba qaadku dhibaato lixaad leh oon la soo koobi karin uu ku hayey bulshada Somaliland, waxa maanta intaa dheer cudurkan dilaaga ah ee Covid19 ee Adduunyada
ku habsaday ee fara ba’an ku haya qaaraddii Afrika oo qaadkuna saameyn weyn ku yeelan karo fidintiisa.
Haddaba waxaan xukuumadda u soo jeedinayaa baabuurta lagu qabto qaadka ee sidaa Lagula wareego in aan gaadiid ahaan Loo isticmaalin balse la furfuro oo dayactir (spare parts) Loo isticmaal si aanay u dhicin in cidi ka daba timaado ama cid ku qabsato taasoo keeni karta ama dhalin karto dhibaato
hor leh.
Waxay ila tahay in habkani furfuridda ee isticmaal DAYACTIRKU uu ka rabshad yaraado oo uu ka faa’iido badto halkii gaadiid ahaan Loo isticmaali lahaa oo baabuurtaa lagu wareejin lahaa hayad kale.