Trump Muxuu Ka Yidhi Dhaliishii Uu Obama U Soo Jeediyey?

Madaxweyne Trump ayaa maalintii Axadda ahayd soo cubooneysiiyay weeraradiisa ka dhanka ahaa madaxweynihii hore dalka ee Maraykanka Barack Obama.

Trump ayaa bartiisa twitter-ka ku soo qoray “OBAMAGATE”, isaga oo ku xiray kiiskii FBI-da ee hadda la tuuray ee sida aadka ah loogu dhalleeceeyey maarayntiisaee Michael Flynn.

Isbuucii la soo dhaafay, Xeer Ilaaliyaha GuudWilliam Barr’s ayaa kiisa ka dhanka ahaa Flynn daaqadda ka tuuray, lataliyihii ugu horreeyey ee Trump dhanka ee amniga.

Hadalka Trump ayaa imaanaya maalin kaddib markii uu madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Barack Obama uu madaxweyne Trump si adag ugu dhalliilay qaabkii uu u maareeyay faafitaanka cudurka coronavirus

Obama ayaa qaabka ay dowladda Mareykanka u wajahday cudurkan ku tilmaamay masiibo ba’an oo jahawareer abuurtay, waxa uuna dhibaatada ka dhalatay cudurkani ku eedeeyay qaabka dowladnimo ee maamulka madaxweyne Trump.

Obama oo la hadlayay kaaliyeyaashiisii hore iyo taageerayaashiisa ayaa sheegay in dhibaatadu ay tahay in maamulka Trump uu u fikiro qaab ah “maxaa iigu jira” sidaa awgeedna uu ku afceliyo dadka kale.