UK waxaa ka bilaabatay tijaabo ah in dawada Malaariyada ay ka hortaggi karto feyraska Korona iyo in kale

Dalka UK waxaa laga bilaabay tijaabada ah in dawada malaariyada ay ka hortaggi karto cudurka Covid-19 iyo in kale, waxaana laga bilaabaya Brighton iyo Oxford.

Dawooyinka malaariyada ee kala ah Chloroquine iyo hydroxychloroquine ayaa waxaa lagu tijaabin doonaa in ka badan 40,000 oo kamid ah shaqaalaha caafimaadka ee ka howlgala Yurub, Afrika, Asia iyo Koonfurta America.

Dhammaan dadka ka qeyb qaadanaya tijaabadan waa howlwadeenada caafimaadka ee la kulmay bukaanada uu ku dhacay Covid-19.

“Ma garan karno in dawada chloroquine ama hydroxychloroquine ay ka hortaggi karto Covid-19” sidaas waxaa yiri mid kamid ah dadka hogaanka u haya daraasadda Prof Nicholas White.

Arrintani ayaa imaaneysaa xilli madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump uu sheegay in uu isticmaalay daawada loo yaqaano hydroxychloroquine -ka in kastoo ay saraakiisha caafimaadku ka digeen in daawadaan loo qaato fayraska karona.

Exit mobile version