Muslimiinta dunida Sanad kasta waxay Hay’adaha Diiniga ah ee dowladahooda ka sugaan ku dhawaaqidda dhalashada bisha Ramadaan ee Soonku bilaabanayo iyo dhalashada Bisha Shawaal oo dabaaldegga Ciidul fitriga ku beegan.
Ramadaanka sanadkan wuxuu ku sigtay in dunida islaamka oo dhan ay isku waafaqdo inuu Soonku bilowdo Jimcihii 24-ka April, laakiin dowlado ay ka mid yihiin Cumaan, Marooko, Sudan iyo dalal Afrikaan ah ayaa Soonka bilaabay Sabtidii 25-ka April, haddii la raaco inta badan dalalka Islaamka waxaa sanadkan dhalashada Bisha Soonfur ee Ciidul fitriga la raadinaya Jimcaha 22-ka May.
Dowladaha Islaamka waxay ku kala duwan yihiin sida loo xaqiijiyo dhalashada Bisha, qaarkood waxay shardi ka dhigaan in dadku arkaan bisha, halka qaar kale ay ogol yihiin in lagu eego qalabka Telescope-ka ee xiddigaha lagu fiiriyo, halka dalal kale ay taageero ka raadiyaan cilmiga xiddigiska oo lagu hubiyo in bisha waqtigaa la arki karo in kale.
Sanadkan sida ay sheegtay xarunta Xiddigiska Caalamiga ah (International Astronomical Center) waxaa la isku waafaqay in Bisha Shawaal aan la arki karin habeenka Sabtida soo galayo ee 22-ka May oo inta badan dalalka islaamka ay 29-maalmood soomeen, waxaana dalalka raadinaya habeenka Sabtiga soo galeyo aan suuragal u noqon doonin inay arkaan Bisha Shawaal oo aad uga dib dhaceysa waqtiga, taasoo sababi doonta in la dhammeystiro Ramadaanka 30 maalmood, kadibna ciidul fitriga ay noqoto Axadda 24-ka May 2020.
Galabta Sabtida ee habeenka Axadda soo galeyso ayaa si caadi ah loo arki doonaa dhalashada Bisha Soonfur, taasoo ay suuragal tahay in mar qura la wada ciido oo labadii qolo ee hore u kala soomay Jimcaha iyo Sabtida ay Axadda kuwada midoobaan Ciida sanadkan.