Qoraal lagu daabacay wargays ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa ka hadlay isdhaafsiga u dhexeeya sharciyada uu Faransiiska dadku ugu qasbayo inay afka iyo sanka dabuushan ugana mamnuucaya xirashada indhashareerka..
Maqaalkan oo ay qortay Maryam Khan, ayey kaga hadashay indhashareerka iyo dabuulashada sanka iyo afka xilliga corona, waxayna tusaale u soo qaadatay dalka Faransiiska oo horay u mamnuucay xirashada indhashareer.
Maryan ayaa sheegtay inay aaminsantahay mamnuucidda indhashareerka iyo dhaqangelinta xirashada afka iyo sankaba ay muujinayso cunsurinimo iyo Islaam nacayb.
Dad ka badan 26,000 oo qof ayaa fayraska Corona u dhimata, Faransiiska wuxuu soo rogay dhaqangelinta daboolidda afka iyo sanka si looga hortago faafidda cudurkan balse waxay taasi horseeday in laga hadlo sharciyadii horay loogu soo rogay dadka lagada tira badanyahay.
“Haweenka Muslimiinta waxaa loo diiday xorriyadda ay ku xirtaan waxwalba oo ay doonayaan, maahan o’olole ka dhan ah diiditaanka waxa ay rabaan inay xirtaan balse iskudayada lagu carqaladaynayo waxa ay aaminsanyihiin ayaa ah waxa aan ka soo horjeedo.” Ayey tiri.