WARARKA




Xayiraadii saarneyd Islii oo 16 maalmood lagu kordhiyey

Xayiraadii saarneyd xaafadda Soomaalida ay degan tahay ee Islii ee magaalada Naiorbi ayaa waxaa lagu kordhiyey muddo 16 maalmood ah, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Kenya.

Wasiirka caafimaadka Kenya ayaa sheegay in tallaabadan looga gol leeyahay xakameynta cudurka COVID-19.

Goโ€™aanka dowladda ayaa ka halay bulshada Soomaalida Islii oo sheegay in goโ€™aankan si gaar ah ayaga loogu beegsanayo, sida ay hadalka u dhigeen, ayaga oo codsaday in laga laabto goโ€™aankan.