Buuhoodle: Ciidanka Qaranka Somaliland oo ku dhex dhacay Maleeshiyaad isu-hub uruursaday

Buuhoodle(GNN):-Unug ka tirsan guutada 7-aad ee Ciidanka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland, ayaa maanta gaadhay deegaamo katirsan gobolka Buuhoodle oo ay shaqaaqo ku dhex martay laba beelood oo walaalo ah oo dilal dhex mareen.

Ciidankan oo uu hogaaminayo Taliyaha Guutada 7-aad ee Ciidanka Qaranka Somaliland Gaashaanle sare mahad faarx cilmi cambaashe, ayaa howl-gal nabad-gelyada lagu sugayo ka fuliyey jiidaha u dhexeeya degmada horufadhi iyo Ceegaag oo ay isku-horfadhiyeen maalmihii la soo dhaafay laba maleeshiyo beeleed oo hubaysan, waxaanay gacanta ku dhigeen xaalada amaanka ee deegaamada dirirtu ka ulnayd, sida uu sheegay guddoomiyaha Gobolka Buuhoodle oo warbaahinta kula hadlay magaalada Horufadhi.

Guddoomiyaha Gobolka Buuhoodle Mustafe Xaaji Cabdi Muuse iyo Saraakiisha Ciidanka Qaranka ee gobolkaasi oo ku soo dhaweeyey Horufadhi Ciidanka gurmadka ah, ayaa intaasi ku daray in ay socdaan dedaallo dhaqan oo lagu xalillayo dhacdooyin dilal ah oo dhex maray labada beelood ee walaalaha ah, si rasmi ahna loo sugay nabad-gelyada.

Dhanka kale, magaalada Horufadhi, waxa ku soo qulqulayey labadii maalmood ee u dambeeyey ergooyin nabaddeed oo ka kala yimi gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle, kuwaasoo halkaasi u yimi daminta colaadaasi oo ka bilaabantay dil ka dhacay deegaanka Qocondhaale oo dhacda nawaaxiga Magaalada Buuhoodle.

Exit mobile version