Hargeysa-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa safar shaqo ugu ambo baxay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti oo uu ka furmi doono shir u dhexeeya dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya.
Wasiirka wasaaradda Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah Prod. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Farotoon) oo ka hor intii aanay weftigu ambo bixin saxaafadda la hadlay, ayaa shaaciyey inay weftiga uu madaxweynuhu hoggaaminayaa ka qaybgelayaan shir ballaadhan oo lagu casuumay, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Saaka waxan halkan Isku soo taagay inaan idiin sheego inuu dalka ka ambo baxayo wefti uu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, weftigaasina waxa uu u baxayaa dalka Jabuuti, waxana madaxweynaha ku wehelinaya guddoomiyaha golaha guurtida, Afar wasiir iyo Edna Aadan Ismaaciil oo ah Ergayga gaarka ah wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya. Weftigaasi waxa uu u baxayaa inuu ka qaybgalo shir lagu casuumay oo ay soo qabanqaabiyeen dawladaha Jabuuti iyo Maraykanka, islamarkaana ay kasoo qaybgelayaan madax kale oo badan oo uu kamid yahay Ra’isal wasaaraha dalka Itoobiya, waxana shirkaas la isugu keenayaa Somaliland iyo Soomaaliya.”