Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Cali Ibraahin Jaamac (Baqdaadi), ayaa ka hadlay dareenkiisa la xidhiidha wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya ku dhex-maray Jabuuti ee xalay saqdii dhexe la soo gebo-gabeeyey, ka dib markii guddiyada farsamo ee labada daraf kala saxeexdeen shan qodob oo ay ku heshiiyeen.
Guddoomiye Baqdaadi oo xarunta Madaxtooyada Somaliland ee Hargeysa warbaahinta qaarkeed kula hadlay markii maanta si diirran loo soo dhaweeyey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo Waftiga uu hoggaaminayey ee wadahadalka kaga qaybgalay Jabuuti ka dib, ayaa sheegay in wadahadalkani wax badan kaga duwanaa kuwii hore ee dhex-maray Somaliland iyo Soomaaliya, isla markaana ay Somaliland heshay madal dunidu joogto oo ay qaddiyaddeeda ku soo bandhigto, kula garnaqsato Soomaaliya.
Haddaba, Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Cali Ibraahin Jaamac (Baqdaadi) waxa uu ka yidhi arrimahaas wadahadalka iyo waxa Somaliland uga soo kordhay amma uga soo kordhi kara, waxaan idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho habboon:-