Gudoomiye Ku Xigeenka Wajaale Ayaa Tacsi Tiiraanyoleh U Diray Badhasaabkii Gobolka Togdheer Marxuum Xamse Maxamed(Walaaleeye) Oo Geeriyooday

Inaalilaahi Lilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajacuun 

Gudoomiye Ku Xigeenka Degmada Wajaale Ee Gobolka Gabiley Mursal Nuux Cismaan Isagoo Ku Hadlaya Afkiisa Ka Maamulka Wajaale Iyo Ka Shacbiga Reer Wajaale Waxa Uu Tacsi Tiiraanyoleh Udirayaa Eehelkii Qaraabadii Qoyskii Asxaabtii Iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland Ee Uu ka Baxay Badhasaabkii Gobolka Togdheer Marxuum Xamse Maxamed Cabdi Oo Loo garan Ogaa Walaaleeye.

Alle Hawnaxariistee Marxuum Xamse Maxamed Cabdi(Walaaleeye) Ayaa Hada Ahaa Badhasaabkii gobolka Togdheer Waxa Uu Sido kale Hore U Ahaa Badhasaabkii Gobolka Gabiley Isagoo Shaqooyin Badana U Soo Qabtay Qaranka Iyo Shacbiga Reer Somaliland,Marxuumka Ayaa Mudooyinkii Danbe Xaalad caafimaad U Yaalay Isbitaalka Hargeysa Iyadoo Lala Tacalayay Xaaladiisa Caafimaad Balse Maanta Loo Qaaday Dalka Turkiga Halkaasi oo Uu Ku geeriyooday

Gudoomiye Ku Xigeenka Wajaale  Mursal Nuus Cismaan Ayaa Marxuumka Ku SIfeeyay In uu Ahaa Shakhsi Karti Badnaa, Dadaal Badnaa, Dadjeclaa, Cibaado badnaa Oo Salaad Xafid Ahaa Oo Markastana  Ka Shaqeyn Jiray Maslaxada Umadda Uu Masuuliyada U hayo Oo Sida Magaciisaba Ka Muuqaata Uu Bulshada Walaaleeyn Jiray.Waxa Lagu Xasuustaa In Uu Isku Soo Dhaweeyay Beelaha Walaalaha Ah Ee Wada Daga Gobolka Togdheer, Waxa Uu Ahaa Geesi Inaga Baxay Oo Sumad Cad U Ahaa Wada Noolaanshaha Bulshooyinka Walaalaha Ah

.Mursal Nuux Cismaan Ayaa Marxuumka Illaahay Uga Baryay In uu Janooyinkiisa Ku Casuumo Kana Yeelo Marti la Jecel Yahay Oo  Uu Kitaabkiisana Midigta Uuga  Dhiibo Xabaashana U Faalaliyo Oo Uu U Nuuro.

Qoyskii Qaraabadii Ehelkii Asxaabtii iyo Shacbiga Reer Somaliland Ee Ka Baxayna Uu Samir Iyo Iimaan Saadiqa INaga Wada Siiyo Aaamiin Aaamiin Aaamiin Aaamiin