Hay’ad Kamida Xukuumada Madaxweyne Biixi Oo Lagu Amaanay Shaqada ay Qaranka U hayso.

Hargeisa(GNN):- Asqaash Kala duwan oo ka kala tirsan Mucaaridka iyo Muxaafidka Somaliland iyo Sidoo kale Bulshada reer somaliland ee isticmaasha baraha internetka, sida dhowna ula socoda hawlaha qaranka jamhuuriyada somaliland ee u jihaysan dhabaha horumarka ayaa Si weyn ugu amaaney mahadnaqna ugu soo jeediyey Hay’ada Qadaraasyada Qaranka Somaliland,  Shaqada ay u hayso dalka iyo sida cadaalada iyo sinaanta ah ee ay bulshada ugu adeegto.

Masuuliyiin Ka tirsan xukuumada iyo Siyaasiyiin ku abtirsada Xisbiyada Mucaaridka somalilad ayaa si isku mid ah u qiray dadaalka iyo sida eex la’aanta ah ee ay Gudida qandaraasyada qaranka Jsl oo Madaxweyne Biixi u magacaabay Xubno isugu jira dhalinyar iyo waayeel ugu guntadeen shaqadii loo igmaday ee ay qaranka uga masuulka ahaayeen.

Daawo: Madaxweyne Muuse Biixi Oo Xadhiga Ka Jaray Dhismaha Guddida ...

Waxaana Gudida Qandaraasyada Qaranka Jsl  Si weyn warkooda loo maqalay  wakhtigan labada sano iyo dheeraadka ah ee ay jirtay Xukuumada Madaxweyne Biixi oo uu hogaan u yahay Gudoomiyaha Gudida Mudane Nuux Maxamed Xuseen Sida ay uga midho dhaliyeen talaabooyin ka fog qaraabo kiil iyo cadaalad darro oo ganacsatada kala duwan iyo muwaadiniinta reer somaliland ee ka qayb qaata Mashaariicaha kala duwan ee loo qabanayo dalka, sida ay ugu garsoorto Hay’ada Gudida Qandaraasyada Qaranka jamhuuriyada Somalliland.

Iyadoo Inta La ogyahay wakhti kasta oo ay soo badhigaaan mashruuc ama dhisme qaranka loo dhisayo oo  tarantan loo galayo ay si daah furan ugu baahiyaan bulshada somaliland iyo ganacsatada, nidaamkaas oo aan wakhtigii hore ama xukuumadihii tan ka horeeyey  dalka jirijirin.

Ganacsatada kala duwan ee Ku tartama Mashaariicda qaranka loo qabanayo ayaa kuwa guuleysta iyo kuwa laga guuleystaaba marar badan bulshada la wadaageen sida ay ugu qanacsan yihiin Habka cadaaladeed ay ugu garsoortay gudida qandaraasyada qaranku.

Dhankiisa Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyada Somaliland muuse Biixi Cabdi ayaa isaguna ku bogaadiyey sida ay uga soo baxeen shaqadii uu u igmaday Xubnaha gudidaasi, isagoo madalo kala duwan oo ku sugan yahay madaxweynaha somaliland lagu soo hadal qaaday sida  ay uga soo dhexbaxday hay’ada gudida qandaraasyada qaranka jsl hay’adihii kale laguna amaaney Shaqada ay hayso.

 

Halkan Ka Daawo Siyaasiyin Mucaarid iyo Muxaafid  ah Oo Ka Marag kacay shaqada Gudidaasi, iyo Sidoo Kale Madaxweyne Biixi Muxuu Ka Yidhi.

 

 

Gabiley News Network

Hargeisa Somaliland