usharaxa madaxweynaha Mareykanka ee xisbiga dimqoraadiga Joe Biden ayaa maanta u safraya magaalada Houston, wuxuuna la kulmi doonaa qoyska George Floyd, laba toddobaad kadib markii dhimashada Floyd ee gacanta booliska Minneapolis ay horseedday dibad-baxyo dalka oo dhan ruxay.
Biden ayaa la filayaa inuu ehellada Floyd u yabooho tacsi islamarkaana uu duubo farriin muuqaal ah oo loogu talo-galay in laga baahiyo tacsida Floyd oo Talaadada ka dhaceysa isla Houston.
Biden ayaan la fileyn inuu ka qeyb galo tacsida, si uu uga fogaado inuu arbusho dadka u baroor-diiqaya Floyd, sababo la xiriira askarta ilaalada madaxweynaha ee Secret Service loo yaqaan ee wehliya.
Floyd oo ahaa nin madow ah ayaa geeriyooday 25-kii May kadib markii askari ka tirsan booliska Minneapolis uu madaxa dhulka u dhigay kadibna jilib ka saaray luqanta illaa uu ka naf baxay.
Dhacdadan oo muuqaal laga duubay ayaa horseedday dibad-baxyo waa weyn oo illaa hadda ka socda Mareykanka iyo qeybo ka mid ah caalamka.
Biden ayaa cambaareeyey sida madaxweyne Donald Trump uu uga jawaabay dibad-baxyada oo intooda badan u socda hab nabadeed, balse mararka qaar horseeday rabshado iyo burbur hantiyeed. Trump, oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, ayaa ciidamada ugu baaqay inay wax ka qabtaan dibad-baxayaasha.