Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Oo Si Faahfaahsan uga Hadlay Qodobka Muranka Dhaliyey ee Isdhexgalka Somaliland iyo Somalia.

Hargeisa(GNN):-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo Caawa Munaasibada Xuska maalinta Qaran ee 26 June Sannad guurada 60aad ee kasoo wareegtay sanadkii 1960kii 26june markii ay somaliland ka qaadatay madaxbanaanida gumeystihii dawladii ingiriiska, ayaa caawa waxaa uu si faahfaahsan uga hadlay Qodobka Muranka dhaliyey ee Isdhexgalka Somaliland iyo Somalia oo kamid ahaa qodobada kasoo baxay shirkii waddahadalka somaliland iyo somalia uga qabsoomay dalka jabuuti.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa sheegay in qodobkii isdhexgalka ee Heshiiskii Jabuuti uu ka reebban yahay siyaasadda, laakiin arrimaha bulshada sida: dhaqanka, ciyaaraha iyo Ganacsiga, iyagana looga baahan yahay in Baasaboorka Somaliland oo fiise leh ay ku tagaan Xamar.

Tusaale ahaan wuxuu yidhi; haddii koox ciyaareed ay tagayso Muqdisho waa in ay haysataa Calanka iyo Baasaboorka Somaliland oo fiise wata, laakiin qof muraad lihi keligii hadduu socdo waa yeelkii.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Khudbada Madaxweynaha Somaliland.

 

Hargeisa Somaliland

Gabiley News Network