Nuxurka War Murtiyeed Kasoo Baxay Wasaarada Arrimaha Dibeda Djabouti Oo Lagaga Hadlay Natiijada Shirka Labada Dal.

Hargeisa(GNN):-War-murtiyeedka shirka wada-tashiga ah ee Dalalka Somaliland iyo Somalia.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jabuuti ayaa si rasmi ah u shaacisay war-murtiyeed laga soo saaray shirkii loo qabtay Somaliland iyo Soomaaliya, waxaana war-murtiyeedka lagu caddeeyey in sababta shirka loo qabtay ay ahayd sidii hoggaamiyeyaasha Somaliland iyo Soomaaliya looga caawin lahaa sii ambo-qaadka wada-xaajoodka khuseeya xidhiidhka u dhexeeya LABADA DAL (between the two countries).

War murtiyeedkan kasoo baxay dawlada djabouti ayaa lagu sheegay in jabuuti oo xoojinaysa xasiloonida labada dawladood ay madaxda labada dhinacba ka ogolaadeen ka midho dhalinta waddahadalo natiijo rasmiya laga gaadho kuwaas oo taariikh ay dawlada djabouti doorweyn ku lahay kuwan iyo kuwii ka horeeyeyba.

 

No photo description available.

Image may contain: text