Olole cadaalad loogu raadinayo gabadh Soomaali ah oo la sheegay in si “cunsurinimo” ah loo dilay

Waxaa socda olole cadaalad loogu raadinayo gabadh Soomaali ah oo 12 sano jir ah laguna magacaabo Shukri Yahya Abdi.

Shukri ayaa sanadkii la soo dhaafay ku geeriyootay webi ku yaala magaalada Manchester ee dalka Ingiriiska .

Waxaa jira dad badan oo aaminsan falkan inuu la xiriiro “cunsurimo”, iyaga oo dareenkooda ku muujinayay fariimo ay ku shaaciyeen baraha bulshada.

Qoyska Shukri ayaa dalka Ingiriiska u tagay inay helaan nolol wanaagsan iyaga oo ahaa qaxooti ka soo jeeda Soomaaliya.

Booliska Manchester ayaa dhacdadaan oo laga joogo muddo ku dhaw sanad ku tilmaamay “mid argagax leh” aysanna jirin wax hadda la tuhunsanyahay.

Dadka isticmaala baraha bulshada ayaa dalbanaya baaritan hor leh, iyaga oo isticmaalaya hal kudhig ah #justiceforshukri oo ah cadaalad ha loo raadiyo geeridii Shukri.

Exit mobile version