Ra’iisal wasaaraha New Zealand oo soo bandhigtay “qoob ka ciyaar ” xilli ay ku dhawaaqaysay arrin ku saabsan korona

New Zealand ayaa qaaday dhamaan xayiraadihii saarnaa iyada oo sheegtay inaysan muddo laba isbuuc ah diwaan gelinin kiisas cusub ee cudurka korona.

Waxaa sidoo kale loo baahnaan doonin in la raaco tallooyinka looga hortago faafidda cudurka korona sida kala fogaanshaha iyo isu imaadka dadka.

Balse xuduudaha dalka ayaa la sheegay inay weli sii xirnaan doonan.

New Zealand ayaanan diwaangelinin kiisas cusub muddo ka badan laba isbuuc.

Ra’iisal wasaaraha dalkaas Jacinda Ardern, ayaa “qoob ka ciyaar yar” samaysay xilli ay ku dhawaaqaysay in dalka uusan ka jirin wax kiis ah oo la xiriira covid-19 ah.

“Inta aan ku jirno xaaladdan ma fududaanayso inaan hal mar ku noqonno meeshii aan joognay ka hor inta uusan cudurkan dillaacin balse hadda waa inaan bilawno sidii aan ku dhisi lahyn dhaqaalaha dalka,” Ayey tiri.