Raysal Wasaaraha Dalka Itoobiya Oo La Hadlay Bulshada Iyo Xaalada Siyaasadeed ee Ka Tagaan Dalkiisa.

Addisababa(GNN):-Raysal wasaaraha itoobiya oo goor dhawayd hadlay ayaa sheegay qodobo dhawr ah, kuwaas oo ku aadan wakhtigan xaalada siyaasadeed ee dalka itoobiya ka taagan iyo sida ay bulshada dalkaasi uga falceliyeen mudo kordhintii ay u sameeyeen golaha dalkaasi xukuumada uu hogaaminayo raysal wasaare Abiye Axmed.

Go,aanka uu soo saaray aqalka shucuubtu waa mid loogu danaynayo bulsha waynta reer itoobiya ee maaha mid xisbi gaara loogu danaynayo, sidaa daraadeedna waa inaan ogaanaa inaan inaga oo leh aragtiyo kala fuwan hadana aan leenahay hal wadan iyo hal umad ah.

Dhamaanteen masuuliyad ayaa inaga saaran inaan ladagaalano caabuqa COVID-19 islmarkaana aan kor uqaadno wax soosaarka bulshadeena si,aan uhelo ilo dhaqaale oo aan ku buuxino meelaha galdalooladu kajiraan.

immika maaha xiligii aan banaanka iska eegi lahayn ee aan farta isaga fiiqi lahayn waa xiligii aan gacmaha isqabsan lahayn ee aan wadajir kaga gudbi lahayn caqabada maanta jirta ee COVID19.

Doorashada soo socota si,aan uga dhigno mid leh haykal uqalma kan dalkeena waa inaan xaqiijinaa in doorashadu noqoto mid xor iyo xalaal ah oo aan udiyaar garawnaa buuxinta dhamaan waxyaabaha laynooga baahanhahay, taasoo aan ku dhamays torayno mudada aan fursada haysano ee 9-12 ka bilood ah.

Asxaabta siyaasadeed ee dalka, bahda saxaafada culimada diimaha, ururada bulshada iyo dhamaan muwaadiniinta dalka waxaan rajaynayaa inaan kasoo bixi doono doorkeena wakhtigan.

https://youtu.be/ijR12dhDozA

Exit mobile version