Safiirka Somaliland U Fadhiya Dalka Djibouti oo Hanbalyo u Diray Shacabka Dalkaasi Munaasibada Xuska Maalintii Xornimada ay Qaateen 27kii june.

Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed oo Shacab-weynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ku Hambalyey Maalinta Xornimadooda ay ka Qaateen Gumaystihii Faransiiska.

Djibouti(GNN):-Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed, ayaa Shacab-weynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ku Hambalyey sanaad-guurada 43-aad ee kasoo wareegtay Maalintii ay Qaranka Jabuuti xornimadooda ka qaateen gumaystihii Faransiiska oo ku beegaan caawa oo ay Taarikhdu tahay 27-ka Jun 1977-kii.
Sidaas daraadeed, anigoo ku hadlaya Magaca Xukuumada Somaliland, ka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo ka Shacab-weynaha Somaliland, waxaan Hambalyo halkan uga dirayaa 43-guurada kasoo wareegtay xornimada Jabuuti.
Waxanan si gaar ah ugu Hambalyeynayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geele, Raysal-wasaaraha, Marwada Qaranka iyo golaha Xukuumadiisa iyo weliba Shacab-weynaha Jamhuuriya Jabuuti, waxanaan leenahay ku waara Bash-bash iyo Barwaaqo iyo xornimo sii jirta.
Guntii iyo gebo-gebadii waxaan Shacab-weynaha Jamhuuriyadda Jabuuti usoo jeedinaya inay ilaashadan amnigooda iyo dawladnimadood, isla markaana wada-jir ku waaran.
Alla mahad leh.
Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed
Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti.