Bishiii Juun 14dii ee gu’gan 2020kii ayaa waxaa shir garnaqsi ahi ka dhacey magaalada Jabuuti ee dalka Jamhuuriyada Jabuuti. Waxaa goobjooge ka ahaa xubno maamuus iyo mudnaanba ku leh dalalkooga iyo aduunkaba sida ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abby Axmed, daljiraha Mareykanka ee Soomaaliya iyo Soomaaliland Yomamata, Gudoomiyaha ururka Igad,Xubno ka socdey EU, inmartigaliyaha madxweyne Ismaaciil Cumar Geele, iwm.
Madashaa garnaqsi waxaa gogol loogu dhigey labadii dal ee gu’gii 1960kii ku midoobey inay hormood u noqdaan mideynta shanta Soomaaliyeed. Labadaa dal waxay kala ahaayeen dalka Soomaaliland iyo dalka Soomaaliya. Labadan dal waxay xornimadooda ka qaateen labadii gumeysi ee reer Yurub ee Ingiriis iyo Talyaani. Dalka Soomaaliland oo hormood ka ahaa midnimadaa ayaa wuxuu ku guuleystay inuu gobanimdiisa u dabaal dego bishii Juun 26dii ee gu’gii 1960kii.
Madaxweyne Muuse Biixi ayaa khudbadaa ku sheegay taariikhdaa gobanimo ee Soomaaliland. Sido kale ayey maanso codeed ay qaadey marwo Sahra Ileys oo la odhan karo ka hadahsye isla sooyaalkaa. Waxaaney Sahra Ileys waliba ku sii ladhey in Soomaaliland gobanimadaa u boqno goysay helitaanka shanta Soomaaliyeed, eeaney ujeedadu aheyn la midow Soomaaliya. Waxay Sahra Ileys oo cod dheer ,dhaguhuna ku raaxeysanayaan ku soo gudbineysa ayey tidhi :
Lixdankii gu’yee galbadaan hortood
Goolkaan dhashiyo shantaan goob lahaa
Geediga u rarey iga galangalcoow
Goortaa adigu waad gama’ saneyd
Anna garashadey gadaal ula noqdoo
Godkuu bahal ku jiro waan garanayaa
Gu’gan 1960kii oo loo yaqaaney gu’gii Qaarada Afrika ee gobanimada. Xilligaa wuxuu dalkaa Soomaaliland noqdey dalkii afraad ee u dabaaldega gobanimo buuxda sida ku xusan shaxda hoose.
Dalka |
Taariikhda Xoriyada |
Faalo |
|
1 |
Kamaruun |
I Janaayo ,1960 |
Inkastooy la midoobey dhinicii Ingiriiska 1961 |
2 |
Toogo |
Abril 4 ,1960 |
|
3 |
Maali Federation |
Juun 20, 1960 |
una kala baxdey Maali iyo Senegalbishii Oogosto isla gu’gaa) |
4 |
a) Jamhuuriyada Soomaaliland |
Juun 26 , 1960 |
Dalkii Afraad |
b) Madagaskar |
Juun 26 ,1960 |
||
5 |
Jamhuuriyada Soomaaliya |
Luulyo 1, 1960 |
Dalkii Shanaad |
6 |
Daahoomey |
Oogosto 1 , 1960 |
oo la baxdey Biniin 1957 |
7 |
Naayjer |
Oogosto 3, 1960 |
|
8 |
Upper Volta |
Oogosto 5, 1960 |
La baxdey Burkiino Faaso gu’gii 1984. |
9 |
Ivory Coast |
Oogosto 7, 1960 |
|
10 |
Jaadh |
Oogosto 11, 1960 |
|
11 |
Jamhuuriyada Afrikada Dhexe |
Oogosto 13, 1960 |
|
12 |
Jamhuuriyada Koongo (Baraasafiil) |
Oogosto 15, 1960 |
|
13 |
Gaaboon |
Oogosto 17, 1960 |
|
14 |
Muriitaaniya |
Noovenber 28, 1960 |