WARARKA




Somaliland:-Shirkad Ku Qaybinaysa Suuqyada Tubaako Khatar Weyn Ku Ah Caafimaadka Bulshada iyo Xanuunada Laga Dhaxlo.

Hargeisa(GNN):- Waxaa Maalmihii ugu danbeeyey suuqyada lagu Arkay Tubaako nooceedu ku cusub yahay Somaliland oo aan hore looga aqoon taas oo dhawaan ay dalka ay soo galisay shirkad gaar ahi.

Waxaana Tubaakadan Oo Lagu magacaabo TYFT Lagu Farsameeyey dalka dibediisa gaar ahaan sidaย  qoraalka ku cad dalka sweden, Waxaana tubaakadan oo ah nooca afka la gashado loona isticmaalo sida buuriga iyadoo la dhigayo daanka ay saameyn iyo nokatiin badan tahay sigaarka iyo buuriga, waxaana tubaakadan oo dalal badan laga mabnuucay markii ay saameyn baahsan ku keentay da’yarta iyo dhalinyarada waxbarashada ku jirta oo si xad dhaaf isticmaalkeeda u badsaday ayaa ka dhaxlay xanuuno kala duwan oo ay ugu horeeyaan wadno xanuun iyo Kansarkan khatarta ah ee ku dhaca Sambabada iyo Wadnaha.

Soo Dajinta Tubaakadan khatarta ah ayaa markii ay dalka somaliland soo galaysay buuq faro badani ka dhashay taas oo dhalisay in wasaarada ganacsiga somaliland iyo Wasaarada maaliyadu ismaandhaaf ka dhexdhalisay, iyadoo Wasaarada Ganacsiga Somaliland maalmo kala danbeeyey soosaartay qoraalo is burinaya oo ay markii hore dalka kagaga Madnuucday in dalka Lasoo galiyo tubaakadan oo khatar badan leh, halka maalmo ka dibna markii lagu xanibay madaarka Hargeisa soosaartay warqad burinaysa taa hore oo sheegaysa in loo ogolaaday in dalka ay soo gasho.

Shirkada Soodajisay Tubaakadan ayaa Maalmihii ugu danbeeyey si xawliya ugu qaybinaysay Magaalada hargeisa gaar ahaan goobaha bulshadu ku kulanto sida Makhaayadaha shaaha laga cabo iyo Marfashyada lagu qayilo, iyagoo dhalinyarta iyo dadka kale ku siinaya si free ah ama lacag la’aan ah, Waxaana Ujeedada loogu qaybinayo Tubaakadani tahay sidii bulshada Loo bari lahaa ulana Qabsan lahaayeen.

Iyadoo Ay Mabnuuc ka tahay Dunida Hay’ada Caafimaadka aduunkuna marar badan kasoo saartay nuquloย  la xidhiidh inaan gabi ahaan ganacsiga sida ย Sigaarka xashiishada, badeecada ama buuri tufaaxa iyo ย wixii lamid ahba aan loo sameyn karin wax suuqgeyn ama Xayeysiis bulshada loogu gudbinayo, waxaana Talaabadan imika ay shirkada soo waariday Tubaakadan khatarta ahi tahay mid ay ku suuqgeynayso sidii bulshada guud ahaan loo gaadhsiin lahaa si marka ay la qabsadaan wixii ka danbeeya ay u iibsadaan.

Dhinaca kale sida Ku Cad Qoraalo ku Qoran bogoska yar ee ay ku jirto tubaakadani Waxaa lagu sheegay in Tubaakadani ay ka kooban tahay nokatiin xadigeedu aad u sareeyo islamarkaana ay aad u fududahay la qabsiga isticmaalkeedu.

Waxaana si sahlan uu qofku u qabatimayaa isticmaalka tubaakadan sababta xanuunada kala duwan taas oo marka danbe sababeysa inuu qofku ku khasban yahay inuu iibsado kana doonto meheradaha lagu gado ama lagu iibiyo.

Baadhitaano kala duwan oo aanu ka sameynay saameynta caafimaad ee ay sameyso nooca tubaakadan oo afka laga qaato, ayaa warbixino kala duwan oo ay ka qoreen dhakhaatiir iyo khubaro daraasado ka sameeyey ku bayaamiyeen in Tubaakadani si degdega ay saameyn ugu yeelato qaybo kamida jidhka qofka bini-aadamka ah, taas oo marka danbe sababta xanuunada kansarka iyo Wade xanuunka.

 

 

Hargeisa Somalilandย 

Gabiley News Network