Sweden: Waan ognahay cida dishay Ra’iisul Wasaare Olof Palme ?

Dacwad-oogayaasha Sweden ayaa shaaciyay magaca ninkii dilay raysal wasaarihii hore ee dalkaas ee Olof Palme sanadkii 1986dii.

Tan ayaa soo afmeeraysa kiiskan oo furnaa muddo soddon iyo dhowr sano ah.

Ninka ayaa dacwad ooggayaasha u aqoonsadeen in uu dilay ra’iisal wasaaraha oo magaciisa lagu sheegay Stig Engstrom ayaa is dilay sanadkii 2000.

Olof Palme, oo lagu yaqaannay inuu cod-kar ahaa kana hadli jiray arrimo muran badan dhalin jiray – gudaha iyo dubaddaba – wuxuu markaas xilligii labaad xukumayay dalkiisa.

Habeen Jimce ah, in ka badan 30 sano ka hor, Ra’iisul Wasaarihii Sweden wuxuu gurigiisa uga baxay si uu filim usoo daawado.

Laakiin wali wuxuu ku adkeysanayay inuu ku noolaado nolosha dadka caadiga ah, habeenka la dilayayna wuxuu iska kala diray ciidankii ilaalada u ahaa.

Isagoo gurigiisa u lugeynaya wax yar ka hor saqdii dhexe ee habeenimo, xilli ay la socotay xaaskiisa Lisbet, ayaa Ra’iisul Wasaaraha dhabarka laga soo toogtay. Naftu waxay ka baxday inta uusan dhulka ku dhicin.

Tan iyo xilligaas lama helin qofkii dilkaas geystay, iyadoo xitaa goobta lagu toogtay ay ahayd waddada ugu mashquulka badan dalka Sweden, tobannaan qofna ay toosu arkayeen nin dheer oo rasaasta ku riday ka hor inta uusan ka cararin goobtaas.

Hadda oo ay dhacdadaas kasoo wareegtay in ka badan 34 sano, xafiiska dacwad oogeyaasha dalka Sweden wuxuu shaaciyay inuu soo bandhigi doono natiijada baaritaankii lagu waday falkaas. Subaxda Arbacada ah ayaa la filayaa inay shir jaraa’id qabtaan.

“Waxaan aad uga rajo qabaa inaan soo bandhigo wixii dhacay iyo ciddii mas’uulka ka ahayd dilkaas,” ayuu yiri madaxa dacwad oogeyaasha, Krister Petersson, oo bishii February la hadlayay warbaahinta Sweden.

Lama oga in cid loo maxkamadeyn doono arrintaas, ama la magacaabi doono qof lagu tuhunsan yahay falkaas. Laakiin waxaa rajo laga qabaa in ay booliska xal u heli doonaan dilkii shacabka reer Sweden qarowga ku ahaa muddo tobannaan sano ah.

Ilaa markii uu dilka Ra’iisul Wasaaraha dhacay, waxaa si tiro la’aan ah usoo baxayay sheekooyin ku tiri ku teen ah oo la xiriira dhacdadaas.

Exit mobile version