Tirada dadka uu ku dhacay feyraska Korona ee Somaliland oo korodhay

Baadhitaanka 24kii saacadood ee u danbeeyey la sameeyey waa 65

Shan iyo labaatan qof (25 ) ayaa laga helay xanuunka, 23 waa Somalilander, halka 2 qof udhashay Pakistan . Bukaanadan 12 qof waa rag, 13 qofna waa dumar

Da’da Bukaanadan cusub waxa ay u dhaxaysaa:

(1jir ilaa 9jir = 1 qof)
(10jir ilaa 19jir = 4 qof)
(20jir ilaa 29jir = 7 qof)
(30jir ilaa 39jir = 3 qof)
(40jir ilaa 49jir = 2 qof)
(50jir ilaa 59jir = 2 qof)
(60jir ilaa 69jir = 4 qof)
(70jir ilaa 79jir = 1 qof)
(80jir ilaa 89jir = 1 qof)

Bukaanadan waxa ay kala degan yihiin: Hargeysa 24 qof iyo Berbera oo ah 1 qof

Waxaa xanuunka ka bogsaday 3 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Afar iyo Sideetan (84).

Exit mobile version