Dibad-baxyada ka socda London ee lagu diidan yahay cunsuriyadda iyo dilkii askarigii Maraykanka ahaa uu u gaystay George Floyd ayaa waxaa kusoo biiray dad Soomaaliyeed oo iyaguna caddaalad u doonaya Shukri Cabdi oo aheyd gabar yar oo Soomaali ah oo la tuhunsan yahay in ay wabi ku yaalla Manchester ku rideen arday caddaan ah, oo ay wax isla baranayeen, bishii June 2019.
Shukri Cabdi oo 12 jir aheyd ayey hooyadeed Zamzam Carab waxa ay aaminsan tahay in gabadheeda la dilay, islamarkaana aaney helin cadaaladdii loo baahnaa.