Wasiirka Wasaarada isgaadhsiinta Somaliland Ayaa Sheegay In Baadhitaan Uu Sameeyay Mar Labaad Laga Waayay Caabuqa Covid19

Wasiirka isgaadhsiinta somaliland ayaa bulshada la wadaagay qoraalkan

Waxa sharaf ii ah in aan mar labaad idinla wadaago farriinta natiijadda baadhitaanka Covid-19 oo aan sameeyey 18/06/2020 kadib markii 01/06/2020 June la iga helay caabuqa Corona fayras.

Muddo 15 cisho ah oo aan ku jirey karantiin (self-qurantine) inaga oo raacaya tilmaamihii iyo talooyinkii ay i siiyeen hawl-wadeenadda caafimaadku waxa natiijadda baadhitaankeygu soo baxdey ‘negative (Recovered)’.

Mahad oo dhani ilaahay bay u sugnaatay, mar labaadka Waxa aan mahadnaq ballaadhan u jeedinayaa bahda caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland oo ay u horreeyaan Maamulka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Kooxda Baadhista Caabuqa Covid-19 oo run ahaantii muujiyey karti, xirfad iyo waayo-aragnimo wax-ku-ool ah oo ay ku maaraynayaan hawshan oo ah mid aad u culus oo ay tahey in aad loogu ixtiraamo.

Xanuunka COVID-19 illaahay ha inaga badbaadiyee waa dilaa dahsoon (silent killer). Haddii uu qofka ku dhaco waxa looga baahan yahay in uu si joogto ah ula socdo xaaladda caafimaadkiisa, gaar ahaan neef-mareenka, sanbabada iyo ogsajiinta ilaa inta uu ka bogsanayo.

Waxa aan mar labaad ugu baaqayaa bulshadda Somaliland in aanay dhayalsan xanuunkan islamarkaana ay ku dadaalaan tilmaamaha hawl-wadeenadda caafimaadku inna siinayaan si aan aniguna u badbaadno bulshadana u badbaadino.
Ugu danbeyntii, waxa aan halkan uga mahadnaqayaa dhamaan cid kasta ila soo xidhiidhay ii ducaysay isla markaan si dhow ula socotay xaaladayda

Fiiro-gaar ah:
Waxa aan si gaar ah u adkaynayaa in aynu ilaalino dadka waaweyn iyo dadka u nugul xanuunkan.

#Badbaadi Naftaada, Nafta dadka aad jeceshahay iyo nafaha Bulshada.

Waad mahadsan tihiin

Dr. Abdiweli Abdillaahi Suufi.

Exit mobile version