Xoggo Iftiimiyey Kulan u Qorshaysan in Todobaadkan Madaxweyne Biixi iyo Farmaajo Ku Kulamayaan Dalka Djabouti.

Hargeisa(GNN):- Nuxurka Warar xogogaal ah oo Warbaahintu heshay ayaa xaqiijiyey inuu jiro todobaadkan Kulan aan hore loo shaacin oo ay u balansan yihiin madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi cabdi iyo Madaxweynaha Somalia Maxamed C,laahi Farmaajo, kaas oo lagu wado inuu ka dhaco dalka djabouti.

Dhinaca kale madaxweyne farmaajo iyo  Madaxweynaha Dalka jabuuti iyo raysal wasaare abiye ahmed ayaa ku leh shir sadex geesood ah oo ay kagaga arrinsanayaan qorshayaal hore oo ka qabyo ahaa kuwaas oo la xidhiidh fikiro hore ay isula qaateen saddexdan masuul oo uu soo jeediyey Raysalwasaaraha dalka itoobiya, oo ahaa sidii dalalkani u noqon lahaayeen kuwo isku furan oo ka wadashaqeeya isdhexgalka geeksa iyo iskaashiga bulsho intaba.

Kulanka ayaa la filayaa in looga hadlo arrimaha gobolka Geeska Afrika, iyo mashruuca is-dhex-galka gobolka ee uu wado Abiy Ahmed, kaasi oo horey ay qeyb uga ahaayeen Itoobiya, Eritrea iyo Soomaaliya.

Jabuuti, oo aan qeyb ka ahayn shirarkii hore, islamarkaana dareemeysay in gees loo riixayo, ayaa la filayaa in laga soo qeyb-galiyo qorshahan, balse ma cadda sida uu ku hir-geli doono maadaama xiisad ay ka dhaxeyso Jabuuti iyo Eritrea, oo isku haya dhul ku yaalla xuduudda.

Jabuuti ayaa sanadkii tegay aad uga xumaatay markii Soomaaliya ay ka qeyb-gashay marshruucan, islamarkaana la saxiibtay dal ay u arkaysay inay is-hayaan ayada oo dareentay in Soomaali aysan kasoo bixin booskii walaalnimo iyo Soomaalinimo ee ay ka fileysay.

Inta madaxweyne Farmaajo ku sugan yahay Jabuuti ayaa la filayaa in mar kale la kulansiiyo isaga iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo isna la filayo inuu tago Jabuuti, waxaana dadaalkan si wadajir ah u wada Ismaaciil Cumar Geelle iyo Abiy Ahmed, oo iyagu ka shaqeynaya sidii mar kale laysku horfadhiisin lahaa Labadan Madaxweyne.

Labada madaxweyne ayaaa horraantii sanadkan ku kulmay xafiiska Abiy Ahmed ee magaalada Addis Ababa.

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa la filayaa inay gaadhaan heshiis lagu wanaajinayo xidhiidhka labada dhinac, islamarkaana Labada Dawladood u qaybsan lahaayeen si isku mid ah dhaqaalaha ay beesha caalamku ku taageerto labada dal, iyo Mashaariicaha ay ka fuliyaan hay’adaha caalamiga ahi labada dhinac.

Soomaaliya iyo Somaliland ayaa dhawaanahan waxaa u socday wada-hadallo hoose, sida uu kulankii Golaha Ammaanka ka sheegay ergeyga QM James Swan oo xaqiijiyey in labada dhinac ay leeyihiin xidhiidho joogto ah.

“Marka ay noqoto xidhiidhka Soomaaliya iyo Somaliland, waxaa na dhiiri-gelinaya in wada-hadallo heer sare ay socdaan, islamarkaana labada dhinac ay muujiyeen inay ka go’an tahay inay joogteeyaan xidhiidhka ayna sii raadiyaan wada-xaajoodyo dheeraad ah,” ayuu yidhi James Swan.

Shacabka Somaliland ayaa Dareen togan ka bixiyey Kulan hore ay ugu yeesheen Labada Madaxweyne ee Somaliland iyo Somalia Dalka Itoobiya kaas oo uu ka shaqeeyey Raysal wasaare Abiye Ahmed.

Waxaana Shacabka, Siyaasiyiinta Mucaaridka iyo Kuwo Muxaafid ahiba si iskumid ah uga soo horjeesteen Kulan uu La qaato madaxweyne Muuse biixi madaxweyne farmaajo.