WARARKA




Cabdirashiid M. Qalinle Oo Lafilayo In Uu Ku Dhawaaqo Murashax Utaagan Doorashada Golaha Wakiilada Ee Maroodi Jeex/Gabiley.

Hargeisa(GNN):-Farshaxan Cabdirashiid Muxumed Qalinle(Cabdirashiid Arts) oo kamid Shakhsiyaad Hibooyjnka Gaar ah Alle ku manaystayย  islamarkaana ah dhalinyarada dhexe ee ย reer somaliland kana mid ah ย aqoonyahan gobolka gabiley ayaa la filayaa in uu dhawaan shaaciyo murashaxnimadiisa xildhibaanada golaha wakiilada somaliland ee doorashadan soo socoto.

wararka laga helayo ย murashaxnimada Cabdirashiid muxumed qalinle ayaa sheegaya ย in uu dhawaan shaacin doono murashaxnimadiisa ย isagoo kamid noqon doonaya xildhibaanada doorashada golaha wakiilada u tagaan sanadkanย  ย Qalinle ayaaย  kamid ah shakhsiyaadka saamayta ku leh bulshada Reer somaliland gaar ahaan gobolka gabiley iyo guud beesha uu kasoo jeedaba.

Sidoo kale Cabdirashiid qalinle arts ayaa kamid dadka ilaahay hibada usiiyay sawirada Madaxda hogaamiyaasha ah dadka magaca leh, kortoonada laga sameeyo. filimaanta iyo kuwa wacyi galinta isagoo tiraba dhowr jeer ka qaybgalay tartan caalami ah oo dhinaca kartoonska ah iyo kuwo kaleba isagoona kamid ahaa bahda saxaafada Somaliland wakhtigana saaxiib dhow yihiin.

Dhanka kaleย  ku Dhawaaqista murashaxnimada Cabdirashiid Qalinle ayaa lafilayaa in ay hormuud u noqoto aqoonyahan badan oo reer gabiley oo iyagu doonayay in ay utartamaan golayaasha wakiilada iyo deegaanka balse naawilayay shakhsiyaad ay kusoo dhiiran karaan oo bilaaba shaacinta murashaxnimadiisa golaha wakiilada ee gobolka maroodi jeex taasi oo lagu wado in uu aqoonyahan cabdirashiid qalinle horsed ka noqdo.

HARGAYSA SOMALILAND

ย