Deegaanka Tireega oo ansixiyey guddi doorasho oo u gaar ah

Baarlamaanka Degaanka Tigreega ayaa kalfadhi degdeg ah oo uu yeeshay ansixiyey guddi doorasha oo ka kooban 5 xubnood.

Goluhu wuxuu sheegay 776 xubnood oo deegaanka Tigreega oo dhan laga soo xulay ayaa xubnahan laga dhex doortay.

Doorashada ka dhaceyso deegaanka Tigreega ayaa la filayaa iney ka qayb qaataan Xisbiga TPLF ee deegaanka Tigreega hayo iyo xisbiyada mucaaradka ee deegaankaasi ka diiwaan gashan.

Go’aankan baarlamaanka Tigreega uu meel mariyey ayaa ku soo beegmaya xilli ay dowladda dhexe iyo guddiga doorashooyinka qaranka ee Federaalkaba ay deegaanka Tigreega ay ku amreen iney qabsanin doorasha deegaan ahaan u gaar ah, balse deegaanka Tigreega uu ka dhaga fureystay.

Doorashooyinka qaran ee dalka Itoobiya sanadkan ka dhici lahaa ayaa dib loo dhigay ilaa iyo hal sano sababa la xiriira fayraska Korona

Exit mobile version