Dowladda Soomaaliya oo sharaxday $120 milyan oo loogo deeqay

Dowladda Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay lacago malaayiin dollar ah oo baanka adduunka toddobaadkii lasoo dhaafay sheegay inuu Soomaaliya ugu deeqay.

Wasiirka beeraha ee Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid oo u warramay Idaacadda VOA ayaa sheegay in 120 milion oo dollar ah uu Baanka Adduunka ugu deeqay Soomaaliya taas oo lagu fulinayo mashaariic wax looga qabanayo, ka hor-tagga Ayaxa, fatahaadaha iyo xanuunka COVID-19.