Farmaajo oo aqbalay xil ka qaadista ra’’sial wasaare Kheyre

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa sheegay inuu aqbalay go’aanka Golaha Shacabka ay xilka kaaga qadeen ra’iisal wasaare xasan cali Kheyre.

“Kala fogaanshaha Xukuumadda iyo hay’adda sharci dejinta waa mid wiiqeysa horumarkii la sameeyay, si taas loo daba qabtana waxaan go’aansaday inaan tixgeliyo codka Golaha Shacabka oo ah hay’adda aasaaska u ah qarannimadeenna.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay inuu si egdeg ah usoo magacaabi doono “Ra’iisul Wasaare soo dhisa xukuumad dalkan ka saarta marxaladdan kala guurka ah”

Madaxweynaha ayaa uga magadceliyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre “hawlkarnimadii uu muujiyay muddadii uu xilkan hayay” wanaagsan

Exit mobile version