FBI-da oo baareysa sida loo jabsaday cinwaannada Twitter-ka ee shakhsiyaad caan ah

Waaxda baarista Mareykankaee FBI-da ayaa billowday baaritaanka dib markii la jabsaday cinwaanada ay Twitter-ka ku leeyihiin shakhsiyaad caan ka ah Mareykanka.

Shakhsiyaadkacaanka ahaa ee cinwaannadooda Twitter-ka la jabsadayna waxaa ka mid ah Barack Obama, Joe Biden, Kanye West iyo Bill Gatesiyaga oo cinwaannadooda lagu dalbaday in tabarruc lacageed la sameeyo.

“Cid walba waxay i weydiineysaa inaan u soo celiyo,” farriin barta Twitter-ka Bill gates la soo dhigay ayaa sidaa lagu yiri.”$1000 doolar ii soo dir anna waxaan ku soo dirayaa $2,000 oo doolar,” ayaa la sir aaciyay