Israel Oo Qiratay In Ayna Waxba Ka Qaban Karin Hubka Nukliyeerka Iiraan

Israel ayaa dadaal xooggan oo diblomaasiyadeed iyo mid sirdoonba ugu jirta inay ka hortago in Iran, oo ah cadowgeeda kowoaad, ay gacanta ku dhigto Nukliyeer.

Si kastaba Shabtai Shavit, waxa uu sheegay in waxa Israel ay sameyn karto ay tahay inay ka hortagto in Iran ay adeegsato bamka Nukliyeerka marka ay hesho.

Wareysi dheer oo uu siiyey wargeyska Times of Israel, ayaa Shavit waxa uu ku yiri “Kama mid ah dadka dhahaya Iran iminka way haysataa Nukliyeer, waxayna ku halis gelinayaan jiritaanka Israel. Balse, haddii dal uu helo bam wuxuu u isticmaali karaa inuu sameeyo jahwareer badan iyo inuu sare ugu qaado danihiisa.”

“Shaki igagama jiro in Iran ay ka shaqeyneyso maanta inay horumariso awood Nukliyeer, waxay u sameynayaan si qarsoodi ah si ay uga fogaadaan inay kiciyaan Mareykanka iyo dunida inteeda kale,” ayuu yiri.

“Meel wanaagsan ayay marinayaan, mana ku dhowaaqi doonaan inta ay ka sameynayaan tijaabo lagu guuleysto. Marka ay sidaas dhacdana ma jirto cid weerari karta. Ma jirtaa cid wax ka qaaday Kuuriyada Waqooyi markii ay sidaas ku dhowaaqday.”

Waxa uu sheegay in waxa kaliya ee Israel hadda u furan ay tahay inay u diyaar garowdo maalinka Iran ay ku dhowaaqi doonto hub Nukliyeer ah, ayna diyaarsato qorshe ay kaga hortageyso inay adeegsato.

“Waa in ay ogaadaan inaysan u qalmin in ay Israel ku soo weeraraan Nukliyeer,” ayuu yiri.

Exit mobile version