Itoobiya: Waan sii wadeynaa tallaabooyinka aan amniga ku sugeyno

Ra’isal wasaare ku xigeenka Itoobiya Demeqe Makonnin ayaa shegay in dowladda Itoobiya ay sii laba jibbaareyso tallaabbooyinka ay ku meel marineyso sarreynta sharciga ayna kula xisaabtameyso cid kasta oo dalka dambi ka gashay.

Ra’isal wasaare ku xigeenka oo shirka golaha wasirrada dalka Itoobiya ka hadlay wuxuu sheegay in “Dowladda uu xil uu ka saaran yahay iney sugto amniga iyo xasiloonida shacabka isaga oo sheegay waxa ka dhacay dalka Itoobiya ay tahay mid dhaqanka iyo wada noolaashaha bulshooyinka Itoobiya aad uga fog.”

Xafiiska xeer ilaalinta dalka Itoobiya ayaa sheegay in rabhsdihi Itoobiya dhawaan ka dhacay loo xirxiray dad ka badan 5,000 o ay siyaasiyiin caan ah ku jiraan.

Exit mobile version