Jawaar Maxamed oo la filayo in maanta uu kasoo hor muuqdo maxkamad

Jawaar Maxamed oo ah siyaasi caan ah dalka Itoobiya ayaa maanta lagu wadaa in uu kasoo hor muuqdo maxkamad ku taalla dalkaas.

Jawaar ayaa dhawaan la xiray kaddib markii ay dhaceen rabshado daba socday dilka fannaan caan ah oo lagu magacaabi jiray Hachalu Hundessa.

Waxaana isaga iyo taageerayaashiisa lagu eedeeyay inay dhexda u galeen meydka fanaanka oo la waday in lagu aaso magaaladii uu kasoo jeeday ee Ambo iyaga oo isku dayay inay dib ugu celiyaan caasimadda.

Exit mobile version