Madaxweynaha Somaliland & Xisbiyada Mucaaradka Oo Kulan Deg-deg ah Yeelanaya

Xarunta Madaxtooyada Soomaaliland ee Magaalada Hargeysa ayaa lagu wadaa inay Maanta kulan deg deg ah ku yeeshaan Madaxweynaha Somailand iyo Madaxda Xisbiyada mucaaradka oo kala ah UCID iyo WADANI.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah Madax dhaqameedka gobolka Awdal,kuwaas oo todobaadyadii la soo dhaafay cabasho ka qabay Maamulka Soomaaliland oo ay ka tirsan yihiin.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in kulankaas ay uga hadli doonaan arinta saami qeybsiga ee goboladda galbeedka aadka u daneynayaan in la sameeyo taas oo Odayaasha dhowr jeer ka hadleen.

Maalmo ka hor ayaa waxaa kulamo ka dhacay Magaalada Hargeysa heshiis la xiriira dhinaca doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo Deegaanka ka gaaray Madaxda Xisbiyada Mucaaradka iyo Xisbiga talada haya ee Kulmiye oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Waxii kasoo kordha kulankaasi kala soco  Gabiley.net

Exit mobile version